Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajaray xaruma cusub oo laga hirgaliyay degmada Kaxda ee Gobolakan Banaaadir.
Cumar Filisha ayaa xarigga ka jaray laba xaruumod oo kala ah MCH-ka degmada Kaxda iyo Iskuul loogu talagalay in caruurta kunool degmada Kaxda si bilaash ah wax loogu baro.
Waxaa guddoomiyaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan Gobalka Banaadir lagu soo dhaweeyay degmada Kaxda, iyadoo boqolaal shacab ah iyo maamulka degmada ay soo dhaweyeen Duqa Muqdisho, waxaana uu kormeeray xarumaha cusub ee dhawaan loogu shaqayn doono bulshada ku nool degmada oo baahi weyn u qabay MCH-ka iyo Iskuulka uu maanta xariiga uu ka jaray Cumar Filish.
Guddoomihayaha ayaa dhagaystay baahiyaha gaar ka ah ee degmada haysta, waxana bulshada iyo maamulka degmada ay u sharraxen waxyaabaha ugu daran ee ay hadda u baahan yihiin, waddooyinka degmada, Cusbitaalada iyo Iskuuladka degmada ayay sheegeeen in ay yihhin baahiyaha ugu badan, waxaana Cumar Filish uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan baahiyaha ay qaban bulshada ku nool degmada, balse waxaa uu sheegay in sida ay u kala daran yihiin loo kala hormarin doono.
Mas’uuliyiinta degmada Kaxda oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmada ayaa ka mahad celiyay goobahan cusub ee maanta xariiga laga jaray.
Ugu dambeytii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in ay jiraan degmooyin badan oo ay dhawan mashruucyo hormarineed ay ka billaabi doonaan.