Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan degaanka Buulaloow oo 3km u jira degmada Afgooye ayaa sheegay in halkaasi lagu gubay gaari u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed.
Goob joogayaal ayaa sheegay Gaariga oo ahaa nooca xammuulka qada ayna saarnayd dhuxul ay dab qabadsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana la sheegay in dhammaan gaarigu uu bas beelay.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in gaarigu uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Maamulka Gobolka shabellaha hoose iyo kan degmada Afgooye wali kama hadlin dhacdadaan, waxaana dadka degaanku ay sheegayaan in gaariga iyo dhuxusha saarnayd ay gubeen Al-shabaab.