Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow).
Guddoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Warqada shaqo joojinta loogu sameeyay Guddoomiye Axmed oo ku taariikheysneyd 23-ka December oo shalay ku beegneyd ayaa waxaa ku saxiixan Guddoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur.
Shaqada Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa si KMG ah loogu dhiibay Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Degmadaasi Maxamed Deeq.
Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa sidan oo kale isaga oo kusime Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahaa wuxuu shaqo ku joojin ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Xamar Weyne Cumar Shariid Jeeg, 5-tii September ee sanadkan, kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska.
Dowladda Somaliya ayaa maalmahan dambe waxa ay waday baaritaano musuq maasuqa la xiriira oo ku qotoma masuuliyiinta dowladda ee haya xilalka kala duwan, kuwaasi oo qaarkood Maxkamad loo soo taagay.