Guddoomiyaha Degmada Baardheere iyo madaxa Amniga oo Qarax ku dhaawacmay xalay

Ku-dhowaad 11 ruux ayaa ku geeriyootay weerar bambaano oo xalay lagu weeraray magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii degmadaas Caddow Nuur Xasan iyo Madaxii Amniga.

Maamulka ammniga ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen Xarakada Al Shaba bee soomaaliya, waxaana ay ciidamada ay ka bilaabeen magaaladd baaritaano xoogan oo ay ku ogaanayaa dadkii ka dambeeyay weerarka.

Dad raid ah ayaa la sheegay in dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa bambaano oo ka dhacay suuq ku yaala degmada Baardheere.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor