• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya iyo Bahda Isboortiga dalka oo kulan wada qaatay +Sawirro

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 1, 2015
in Warar, Xulashada Ciyaaraha
Reading Time: 14 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa kulan qado sharaf ah maanta ku casuumay Bahda isboortiga dalka, oo isugu jiraty masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxa xiriirada, Xildhibaano iyo waliba qaar ka mid ah masuuliyiintii, macalimiintii, ciyaartoyiy iyo  Garsoorayaashii hore ee dalka.

 

Kulankan qiimaha badan ugu fadhiyey bahwaynta isboortiga  dalka oo uu xiriirinayey xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa isbarasho, xusuus waayihii hore iyo kaftan kadib ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi waxuuna aad uga sheekeeyey in GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba ay horumarinta isboortiga dalka ka soo shaqaynayeen xiliyo aad u adag oo dalka uusan dowlad laheyn, si ay u abuuran is dhex gal bulsho, uga hortagaan in dhalinta Soomaaliyeed waqtigooda u isticmaalaan waxyaabo qaldan isla markaana ay u xaqiijiyaan in dalkeenu uusan ka maqnaan tartamada caalamiga ah, si calanka Soomaaliya had iyo goor uga muuqdo dhacdooyinka Isboortiga Caalamka”.

 

“Waxaa hadda la joogaa xiligii ay dawladda Soomaaliyeed qaadan lahayd kaalinta uga aadan sare u qaadida isboortiga dalka isla markaana uga taageeri lahayd hay’adahan ku mashquulsan hawlahaasi sidii ay u gaari lahaayeen hadafkooda, waxaanan si sharaf iyo xushmad ku jirto kaaga codsanaynaa in aad codkayaga gaarsiiso dawladda Soomaaliyeed aadna si hagar la’aan ah uga qayb qaadataan horumarka isboortiga dalka maadaama aan ka baxnay xiligii kumeel gaarka” ayuu yiri guddoomiye Tarabi oo sidoo kale uga mahadceliyey guddoomiyaha Baarlamaanka qado sharaftan uu u sameeyey si uu u ogaado heerka isboortiga dalka iyo xogta dhabta ee hawlmaalmeedkooda.

 

 

Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ku hadlayey magaca bahwaynta isboortiga dalka ayaa hordhigay guddoomiyaha baarlamaanka waxyaabaha tiirarka u ah horumarinta isboortiga dalka oo ay ka sugayaan in dawladdu samayso kuwaasoo uu ka xusay aqoonsiga GOS iyo Xiriirada dalka gaar ahaan in lagu muujiyo dastuurka dalka, maalgelinta Gos iyo Xiriirada, dib u soo celinta iyo dayactirka garoomadii cayaaraha dalka, abuurista dugsiyo tababareed (Academies), fududaynta safarada kooxaha iyo xulalka qaranka, ka qaybqaadashada abaabulidda tartamadii, Gobolada, Dugsiyada iyo Jamaacadaha kuwaasoo kalin muhiim ah ka qaadan doona dib u soo celinta nabadgelyada dalka.

 

 

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ka hadlay qadadan ayaa ugu horayn mahad celin u soo jeediyay Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Tarabi oo fikradan kulankan lahaa iyo Afhayeenka Baarlamaanka mudane Jawaari oo ka aqbalay in uu la kulmo bahdan, wuxuuna wasiirku dhanka kale tilmaamay in dhalinyaradu yihiin tiirka nabadda wasaaraduna ay xooga saari doonto horumarinta cayaaraha dalka,, asagoo hoosta ka xariiqay in ay soo dhawaynayaan in dhamaan dadka ku hawlan hawlahan ay aragtidooda iyo fikirkooda is dhaafsadaan isma markaana ay meelmariyaan ayagoo midaysan.

 

Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee baarlamaanka Dr Cusmaan Aaden Dufle oo ka hadlay qadada ayaa halkaasi ka caddeeyey in burburkii dalka oo idil uu dalka ku sugnaa isla markaana marqaati ka yahay duruufihii adkaa iyo goobtii ay qaar badan oo dadkan ka mid ah iyo kuwa dhintayba ka soo qaadeen sport ga dalka uuna guddoomiyaha hortiisa ka balanqaadayo in guddigiisu GOS iyo xiriiradaba la yeelan doono wada shaqayn buuxda.

 

Guddoomiyihii hore ee GOS Cabduqaadir Gacal  Abkow oo asaguna ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankan ayaa tilmaamay in ugu horeyn loo baahan yahay in dastuurka dalka lagu xuso doorka GOS iyo  in cayaaraha iyo horumarintoodaba lagu daro miisaaniyadda dawladda taasoo ah sida kaliya ee sare loogu qaadi karo heerka cayaartoyda iyo cayaaraha dalka.

 

 

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxuuna sheegay in isboortigu uu ka mid yahay amaba yahay laf dhabarka arimaha bulshada barlamaankuna uu door muhiim ah ka qaadanayo sidii loo horumarin lahaa

“Waxaad haysataan wasiir dhalinyaro ah isla markaana xildhibaan ah diyaarna u ah in uu isboortiga horumariyo, waxaan aqoon wanaagsan u leeyahay isboortiga iyo kaalinta uu ka qaadan karo nabadaynta dalka waxaan idiin xaqiijinayaa in albaabka barlamanaka uu idiin furan yahay isla markaana ay qayb libaax ka qaadan doono hawlaha baaxadda leh ee aad haysaan” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka dalka mudane Maxamed Sh, Cusmaan Jawaari

 

Waa marki labaad muddo bil gudahaeed oo uu GOS soo qaban qaabiyo kulan looga tashanayo horumarka iyo sare u qaadidda cayaaraha dalka kaasoo ay ka qaybqaadanayaan mas’uuliyiinta cayaaraha dalka, bahdii hore ee cayaaraha iyo madaxda dawladda Soomaaliyeed taasoo muujinaysa dadaalka GOS ugu jirto in isboortiga dalka ku soo laabto heerki uu caalamka uga jiray berisamaadkii.

IMG_1365 IMG_1372 IMG_1409 IMG_1417 IMG_1421 IMG_1423 IMG_1426 IMG_1432 IMG_1433 IMG_1436 IMG_1445 IMG_1456 IMG_1458 IMG_1464 IMG_1469 IMG_1475 IMG_1480 IMG_1487 IMG_1490 IMG_1491 IMG_1493 IMG_1495 IMG_1499 IMG_1505 IMG_1508 IMG_1529 IMG_1532 IMG_1534 IMG_1539 IMG_1540 IMG_1546 IMG_1549 IMG_1551 IMG_1556 IMG_1559 IMG_1564 IMG_1566 IMG_1572 IMG_1581 IMG_1587 IMG_1601 IMG_1607 IMG_1634

Previous Post

Dhageyso:Sakariye Ismaciil”Al Qaacida Xiriirkii Wey U Jareen Al Shabab”

Next Post

Dhageyso:Askari Rasaas ku Furay Gaari Waday Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post

Dhageyso:Askari Rasaas ku Furay Gaari Waday Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

by Liban
July 15, 2025
0

Mogadishu  – In a landmark moment for the Horn of Africa, Somalia officially opened the 34th Policy Organs Meeting of the...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
English News

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00