Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi ugu hambalyeeyay xilka uu Madaxweynaha Jamhuuruiyadda Federaalka Xasan Sheekh u magacaabay, isagoona Alle uga baryay inuu mas’uuliyada loo idmaday ku guuleeyo.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Xukuumadda, isagoona xilka laga wareegi doona marka la siiyo Codka kalsoonida Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xamse Cabdi Barre, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka u weydiin doona inay siiyaan Codka kalsoonida ah, si uu u soo dhiso Golihiisa Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor