Ra’iisul Wasaaraha cusub oo Codsi u diray Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha shalay la magacaagay ugu hambalyeeyay xilka loo dhiibay, isagoona Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Xukuumadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si uu usoo dhiso xukuumad cusub.

Guddoomiyaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha magacaaban uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa qayb ka ahaa kulanka, iyagoona dhankooda ugu hambalyeeyay xilka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Xamse Cabdi Barre .

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: