Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa shir gudoomiyay kulankii 1aad ee Guddiyada Joogtada ah ee Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.
Kulankaan oo arimo badan looga doodey waxaa ku wada sugnaa dhamaan gudoomiyaasha guddiyada Joogtada ah, iyadoo arimaha laga hadlay ay ka mid ahayd dardar gelinta hawlaha Baarlamaanka.
Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Xasan Maxamuud Faarax (Janagale) ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid loogu gogol xaaraayey Furitaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale kulankaan inta uu socday waxaa warbixino looga dhageystay gudoomiyaasha guddiyada, iyagoona faah faahiyay waxyaabaha u qabsoomay Baarlamaanka Kal-fadhigii lasoo dhaafey ee Golaha.