Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarruunta Villa Hargeysa waxa ay kula yeesheen madasha Aayo-Talis si ay uga dhagaystaan talooyinkooda iyo fikirkooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Madasha Aayo talis waxay ka mid tahay daneeyayaasha Sharciga doorooshooyinka Qaranka waxaa kulanka kasoo qaybgalay Guddomiyaha Madasha Cabdullahi Shirwac.
Madasha Aayo-Talis ayaa guddiga usoo bandhigay Talooyinkooda la xariiro Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka Xildhibaan C/Laahi Abuukar Xaaji ayaa uga mahadceliyay Madasha Aayo-Talis talooyinkooda wanaagsan ee ay guddiga KMG ah soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabkaย ay la wadaageen.