Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Senatorada Aqalka Sare ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka Ajendihiisa uu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda.
Guddooomiye Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo Wareegto soo saaray ayaa waxaa uu ku magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha, kuwaasi oo ka kooban 6 Senator oo laga soo dhex saaray Golaha.
Dhinaca kale Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad Cabdisalaan Axmed Liibaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Guddoomiye Cabdisalaan Axmed ayaa Guddiga uu magacaabay ka kooban 10-xubnood oo laga soo dhex saaray Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda dhaceysa.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay