Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo tallaado ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku yeeshay Kalfadhiga 8-aad Kulankiisa 1-aad.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Dib u eegista Ajendaha Golaha Shacabka iyo shuruucda heerarka kala duwan maraya ee laga sugayo Golaha Shacabka inuu ku Shaqeeyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah, isla markaana waxaa ka qeyb galay dhammaan xubnaha Guddiga.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa muddo xileedkooda ka harsan muddo kooban, waxaana Guddoomiye Mursal uu shaaciyay in Xildhibaanada ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta laga soo doorayo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Federaalka.