Guddiga maamulaya Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa.
Doorashada Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo ahaa Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed iyo Maxamed Cabdullaahi Isaaq, waxaana kulan doorashada goobjoog ka ahaa 11 xubnood.
Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed ayaa ku guuleystay oo loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoona helay Codad gaaraya 10.
Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Isaaq oo la tartamay Yuusuf Cabdiqaadir ayaa isna helay 1 Cod, halka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada loo doortay inuu noqdo Nuuradiin Ibraahim Aadan.
Maamulada Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku doortaan Guddoomiyeyaasha Guddiyada doorashooyinka iyo ku-xigeenadooda.