Somaliland oo War kasoo saartay xaaladda Gabdho u xiran lebiska Calanka Somalia 

Xafiiska xuquuqul Insaanka Somaliland oo War ka soo saaray xaaladda gabdho laga qaaday Magaalada Laascaanood oo Berbera lagu xiray, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ku lebisteen Calanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in muddo afar maalmood ah gabdhaha oo gaaraya 8 ay ku xiran yihiin Xabsiga Berbera, isla markaana aysan jirin wax xad-gudub ah oo loo geystay, ayna wanaagsan tahay xaaladdooda Caafimaad.

Xafiiska ayaa sheegay in gabdhaha loo xiray inay ku lebisteen Calanka Soomaaliya ay saddex kamid ah u bilaabmeen sanad dugsiyeedka Waxbarashada, halka saddex kalena ay dhiganayeen Jaamacaddo ku yaalla Magaalada Laascaanood.

Ugu dambeyn Xafiiska xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa waxaa uu hay’addaha gacanta ku haaya kiiska loo xiray gabdhaha ka dalbaday inay si deg deg ah loo soo gaba-gabeeyo kiiskaas, isla markaana si cadaalad ah lagu dhammeeyo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor