Guddiga Doorashada Federaalka oo Booqday Xarunta lagu qabanayo Doorashada Boosaaso

Wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo ka dhaceysa doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee tegay Boosaaso ayaa booqday Xarun Teendho ah oo ay dhaceyso doorashada Xildhibaanada 16-kursi ee Magaalada Boosaaso, taasi oo ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Booqashada xubnaha Guddiga heer Federaal ayaa waxaa ku wehlinaayay Guddiga doorashada Maamulka Puntland, iyagoona indho-indheyn kusoo sameeyay Xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada lix iyo toban  kursi ee Golaha Shacabka.

Doorashada kuraastaas ayaa lagu wadaa inay dhacdo 5-6 bishaan Maarso, sida ay horey Jadwalka doorashada u shaaciyeen Guddiga, waxaana xalay lasoo saaray Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada wax dooraneysa.

Maamul Goboleedyada ayaa si dardar leh u wada qansoomida doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, xili waqti cusub lagu daray soo gaba-gabeynta doorashada Golaha, iyadoona waqtigaas uu ku egyhahay 15-ka bishaan Maarso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor