Dad lagu dilay Weerarkii Ciidamada Ruushka ku qaadeen Magaalada Kharkiv

Militeriga Ukraine ayaa xaqiijiyay in ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ruushka ay weerar ku qaadeen caasimadda labaad ee Ukraine si ay u qabsadaan magaaladan lagu hareereysan yahay.

Waxay intaa ku dareen in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen cisbitalka ciidamada ee gobolka, isla markaana uu dagaalku socdo, Kharkiv ayaa xuddun u aheyd dagaalka ka socda Ukraine kadib duulaanka Ruushka.

Talaadadii, gantaal ayaa ku dhacay xarunta dawlada hoose ee magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, waxaana ka dhashay qarax weyn oo burburiyay baabuur iyo dhismooyin.

Ruushka ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay deegaanno ay dadka ku badan yihiin oo ku yaalla Kharkiv, madaxweynaha Ukraine, Zelensky ayaa markii dambe weerarka ku tilmaamay dambi dagal.

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay magaalada Kharkiv Talaadadii, tobanaan kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiishaku howlan gurmadka deg deg ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor