Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa gaaray Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta.
Guddiga oo ka tegay Garbahaarey ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, Odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiin kale.
Guddigaan oo ah Wasiiro maamul Goboleedyada ka kala socda ayaa Ujeedkooda waxaa uu yahay sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona uga warbixin doona waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen Garbahaarey .
Sidoo kale Guddiga ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe ku wareejin doona Liiska xubnaha Maamulka ee loo magacaabi doono Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii xal buuxa laga gaaray khilaafyo jiray.
Guddigaan ayaa haatan kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula leh Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Syyid Aadan, iyagoona iska xog-wareysanaya xaaladiihii ugu dambeeyay Garbahaarey iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Shalay ayey aheyd markii Guddiga, Maamulka Garbahaarey iyo qeybaha kala duwan Bulshada ay heshiis rasmi ah ka gaareen khilaafyo jiray, isla markaana ogolaaday in halkaas ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo heshiis lagu wada yahay.