Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar( Dabageed) ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu amar dul-dhigay Maamulada Iskuuulada ku yaalla Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhammaan Maamulayaasha Iskuulada Baladweyne ayaa lagu amray in laga bilaabo Taariikhda 3/10/2018 oo shalay aheyd amarkaas ay dhaqan geliyaan,isla markaana Iskuulada looga baahan yahay inay ka taagaan Calanka Somalia iyo kan Hir-Shabeelle.
Wareegtadaan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in cid allaala cidii amarkan fulin weysa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Hoos Ka Akhriso wareegtada oo dhameystiran.