Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka suudaan, ahna Wasiirka Difaaca, Jeneral Axmed Cawad Ibnu coof oo madax ka ah Golaha Milliteriga ee la wareegay Talada dalka waxa uu sheegay inay xilka ka tuureen, isla markaana ay xireen Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Al-bashiir oo talada dalkaasi hayey muddo 30-sanno.
Jeneral Ibnu Coof waxa uu ku dhawaaqay Dowlad KMG oo ay Milliteriga hoggaaminayaan, oo xilka sii hayn doonta muddo 2-sanno ah, isla markaana shaqada laga joojiyey dhamaan Hay’addihii Dowladda oo ay ku jiraan Golihii Wasiiradda iyo Golihii Barlamaanka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in la soo rogi doono Xukun Degdeg oo 3 bilood ah, isagoo dhanka kalena ku dhawaaqay Xabbad-joojin Guud oo ka hanaqaada dalka Suudaan.
Dhinaca kale, Kooxaha Mucaaradka ee so oababaulay Dibadbaxyadii ka socday dalkaasi waxay ka hor yimaadeen Golaha Milliteriga ee talada la wareegay, iyagoo sheegay inay doonayaan inay Milliteriga badbaadiyaan dadka ee aysan doonaynin in ay Milliteriga la wareegaan xukunka dalka.