• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, May 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta Go’aan Cusub soo saaray

Bilan Media by Bilan Media
July 23, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Fadhigii 61aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenkiisa ayaa waxa golaha lagaga hadlay xaaladda guud ee waxbaradshad, shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxa kale oo goluhu dood ka yeeshay xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda qaran ee shaqo abuurka Somaliland.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, ayaa golaha warbixin ka siiyey heerka waxbarashada ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashada ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashada, tayeynta waxbarshada iyo fidinta waxbarshada ee dalka oo dhan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa go’aamiyey dhaqan gelinta go’aamada ay golaha u soo jeediyeen guddi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka koobnayd Toddoba wasiir iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Maamulka, kuwaas oo hore loogu xilsaaray inay go’aan kama danbays ah ka soo gaaran qaabka loo maaraynayo shaqaalaha ku meel-gaarka ah ah ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, qodobadaas oo dhignaa sidan:

1- In tirada Shaqaalaha ku meel-Gaarka ah ee ku jiray warbixintii Hay’adda shaqaaluhu la wadaagtay Golaha wasiirrada oo dhammayd 1,009 (kun iyo sagaal) qof qof kana kooban 19 wasaaradood iyo 9 Hay’adood ay madax-taabasho, qiimayn iyo hubin ku soo samayso soona saarto liis kama danbays ah oo rasmiya.

2-In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020.

3- In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’ada shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021.

4- Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaarka  ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka.

5- Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana madnuucay qaadashada xubno kumeel gaar ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay. Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale kumeel-gaar ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baalmarsan xeerarka shaqaalaha.

Ugu danbayn golaha wasiirada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Shaqaalaha Maamulka oo kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey, sidoo kale waxa uu goluhu dib u dhigay doodda Siyaasadda ee Shaqo abuurka Somaliland oo wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ay golaha hor keentay.

Previous Post

Maamulaha Mashruuca dib u dhiska G/Banaadir oo Qarax ka badbaaday

Next Post

Madasha Xisbiyada oo caddeysay mowqifkeeda Natiijada Shirkii Dhuusamareeb

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
Bilan Media

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

May 20, 2025
RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
Next Post

Madasha Xisbiyada oo caddeysay mowqifkeeda Natiijada Shirkii Dhuusamareeb

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants

by Liban
May 21, 2025
0

WASHINGTON / MOGADISHU — The White House has released rare military footage on its official social media platforms, showing a...

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

by Ilhaan
May 21, 2025
0

Muqdisho – Kulan doodwadaag muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo caqabadaha horyaalla suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka...

UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis

UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis

by Liban
May 21, 2025
0

London, United Kingdom – After more than 18 months of relentless conflict in Gaza, the United Kingdom’s patience with Israel...

Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

by Liban
May 21, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – A pivotal roundtable discussion focusing on the state of press freedom in Somalia was held at the...

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants
English News

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis
English News

UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action
English News

Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in the Annual Meeting of the Islamic Development Bank Held in Algeria
English News

Somalia Participates in the Annual Meeting of the Islamic Development Bank Held in Algeria

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants
  • Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
  • UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis
  • Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00