Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland oo Goordhow la Ansixiyay

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee Puntland.

Kulanka 43-aad ee fadhigiisa 19-aad ayaa waxaa Goobjoog ahaa 63 xildhibaan,halka 4 xildhibaan ay ka maqnaayeen ,intaasi kadib waxaa la guda galay cod u qaadista sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada  ayaa ogolaatay ansixinta halka laba ay ku aamustay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa sheegay in ay ansax tahay ansixinta Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland.

10-ka Bishaan ayuu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada,kuwaasi oo ka kooban 18 Wasiir,18 Wasiir kuxigeen iyo 9 Wasiiru dowle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media