Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay hortegista Wasiirada Caafimaadka iyo Gargaarka iyo ka Hortaga Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay u yeereen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur Su’aallo ka weeydiin doona howlaha shaqo ee Wasaaradda Caafimaadka iyo arrimo kale oo ku aadan shaqadaas.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Su’aallo weydiin doona Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Soomaaliya Xamse Saciid Xamse, kuwaasi oo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaradda Gargaarka.
Waxaa kaloo Wasiir Xamse Saciid Xamse wax laga weeydiin doonaa howlaha gargaarka ee loo sameeyay dadkii dhawaan ay sameeyeen fatahaadihii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada dalka.
Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Somaaliya ayaa waxaa horey u hortegay Wasiirada Amniga, gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciianka Xoogga dalka Soomaaliyeed.