Waxaa isa soo taraya Khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo xalay lagu weeraray hotel ku yaalla Koonfurta Magaalaa Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.
Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha qeybta 21-aad C/casiis C/llaahi Qooje iyo Saraakiil kale, iyagoon qaraxaas ka badbaaday.
Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Gaalkacyo, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaarro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.
Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray shacab iyo Askar ayaa ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Gaalkacyo, halka in badan 20 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay qaraxii gaalkacyo, isagoona tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas.
Sidoo kale dadka reer Galmudug ayuu ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan, isla markaana ay meel uga soo wadajeystan Cadowga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca deegaanada Galmudug.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Hotel ay ku sugnaayeen Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka iyo Taliyaha qeybta 21-aad iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda.