Dhageyso:-Ciidamada AMISOM oo Saddex ruux ku dilay Muqdisho kadib qarax lala eegtay

Saakay aroortii hore ayaa waxaa qarax Isgoyska Ex-koontorool Balcad lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa wax ay sheegeen in kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM miinada nooca dhulka lagu aaso ah ay kula qaraxday Isgoyska Ex-koontorool Balcad,waxana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qof ku sugnaa meel aan ka fogeen goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay rasaas farabadan ku fureen dad Shacba ah oo fadhiyay goob maqaaxi ah halkaasna ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex ruux.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada AMISOM ay diideen in la qaado dad dhaawacyo ah,isla markaana mudo daqiiqado ah ay xirteen wadada Isgoyska Ex-koontorool Balcad.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaray ayaa wax ay sheegayaan in kolonyada Ciidamada AMIOSM ay socdaalkoodii sii wateen,isla markaana Isgoyska Ex-koontorool uu ka socdo banaanbax looga soo horjeedo dadka Shacbaka ah oo ay dileen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor