Golaha Ammaanka oo ansixiyay in muddo laba bil loogu daro Howlgalka AMISOM

Goalaha Ammaanka ayaa shalay ansixiyay in muddo 2 bilood loogu kordhiyo howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya si muddo ku filan ay ugu helan xubanaha 15 ah ee golaha ammaanka waxii ka soo baxay booqashii ay dhawaan ku yimaaden Muqdisho.

Golaha waxa uu sheegay in qaraarkan cusub oo muujinayo in dalalka ku deeqay ciidamada AMISOM ay tahay iney sii jogteysan ciidamada ay u soo dirayan Soomaaliya ilaa iyo 8 July ee sanadkan.

Sido kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon inuu sii wado taagerada dhinaca farsamada ah sida ka muuqata qaraarka 2245 ee soo baxay sanadkii hore 2015kii.

Wafdi ka socda QM ayaa dhawaan soo booqday magaalada Muqdisho kuwaas oo isha ku haya nidaamka doorashada ee dalka la filayo iney la dhacdo sanadkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor