Ugu Yaraan 2 caruur ah oo ku dhimatay miino kula qaraxday gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaran laba Caruur ah ay ku geeriyootay miino kula qaraxday halkasi.

Wararka waxa ay intaasi ku darayan in laba kale oo carruur ahaa iney ku dhaawacmen miinadasi ku qaraxday oo ay ku ciyaarayen.

Carruurtan ayaa la sheegay in da’dooda ay ka yar tahay 14 sanno jir,waxaana la dhigay kuwii dhaawacmay Cusbitaalka magaalada Afmadow.

Caruur badan ayaa ku geeriyootay miino kula kacday dalka Soomaaliya tan iyo markii dalka uu galay dagaaladii sokeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor