Hadal-qoraal oo ka soo baxay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu cambaareeyey Qarixii ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ee Degmadda Wadajir, waxayna ku baaqeen in Sharciga la soo taago kuwii ka dambeeyey Qaraxaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Goluhu waxay sheegeen inay u tacsideynayaan Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, waxayna kuwii dhaawacmay u rajeeyeen Caafimaad iyo Bogsiimo degdeg ah.
Goluhu waxay mar kale ku celiyeen inay xoojinayaan Taageeradda ay ka geysanayaan Nabadda, Ammaanka iyo Horumarinta ee Somalia, waxayna bogaadiyeen Kaalinta ay Ciiddanka Ammaanka kaga hortagaan weeraradda iyo soo-celinta Deganaanshaha dalka.
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ku booriyeen Jilayaasha Siyaasadda ee Somalia iyo Caalamka dadaalkooda ku aadan sidii Somalia loogu so odabaali lahaa Nabadda iyo Deganaanshaha.
©Radio Dalsan