Boliska iyo Milliteriga Uganda ayaa bilaabay inay Roondo wadajir ah ku sameeyeen guud ahaan dalkaasi, si loo adkeeyo Ammaanka.
Afhayeenadda Boliska iyo Uganda, Fred Enanga iyo Paddy Ankunda oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Kampala, waxay sheegeen in Ciiddamo dheeraad ah la dhigay Kampala, Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Entebe iyo Xuduudaha laga soo galo Uganda.
Afhayeenka Boliska waxa uu sheegay inay ka feejigan yihiin Weeraro uga yimaada Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Alshabaab heli doonin fursad ay weeraro uga geystaan gudaha Uganda.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab waxay horey uga digtay inay weeraro ka geysan doonaan dalkaasi, haddii aan Ciiddanka Uganda laga soo saarin gudaha dalka Somalia.
Bishii July ee Sannadkii 2010-kii, Dagaalamayaal Alshabaab waxay qaraxyo ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 74 qof.
In ka badan 6,000 oo Askari oo Ugandese ah ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM