Sida laga soo xigtay Saraakiisha Maraykanka iyo kuwa Koonfurta Kuurya waxay sheegeen inay Milliteriga Waqooyiga Kuurya maanta tijaabiyeen Gantaal cusub, kaasi oo muuqda inaan lagu guuleysanin,
Hadal ka soo baxay Wasaaradda difaaca ee Waqooyiga Kuurya ayaa lagu sheegay in Milliteriga Waqooyiga Kuurya hal gantaal ku tijaabiyeen meel ku dhow Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Degmadda dekedda leh ee Wonson, iyadoo Tijaabadaasi la rumeysan yahay in aan laga gaarin Hadafkii loo tijaabiyey.
Hadalkaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Wakaalladda Wararka Japan ee Kyodp News Swevice sheegtay inay Waqooyiga Kuurya maanta tijaabiyeen dhowr gantaal oo dhamaantooda wada fashilmay.
Tijaabadaasi ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Milliteriga Waqooyiga Kuurya bilowgii bishan tijaabeen 4 Gantaal nooca Balaastikadda, kuwaasi oo 3 ka mid ah ku habsadeen meel ku dhow xuduud-baddeedka Japan.
©Radio Dalsan