Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee magaalladda Qasa, Ashraf Al-qodra ayaa sheegay inay Taangiyadda Yuhuudda saakayto duqeeyeen Deegaanka Nahdha ee Bariga magaalladda Rafax, iyadoo duqeyntaasi lagu dilay Nin Falastiini ah oo la oran jirey Yuusuf Abu Azra, laguna dhaawacay 2 kale.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Madaafiicdaasi lala eegtay isku-soo-bax ay Dhallinyaro Falastiiniyiin ka sameeyeen Deegaanka Nahdha.
Afhayeen u hadlay Milliteriga Yuhuudda ayaa sheegay inay Ciiddanka toogteen 3 nin oo aad ugu soo dhawaaday Xayndaabka Ammaanka, wuxuuna ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahino kale.
Dhinaca kale, ku-dhawaad 2,200 qof oo Falastiiniyiin ah ayey Askarta Yuhuudda ku dileen dagaalo iyo hawlgalo ka dhacay dhulalka la-haysto ee Falastiin, iyadoo in ka badan 11,000 lagu dhaawacay dagaalladaasi.
รยฉRadio Dalsan