Ganacsiyada yaryar ee adduunka iyo Soomaaliyaba waxey badankood u dhisan yihiin qaab faa’iido doon ah.
Doonistaas joogtada ah ee faa’iida ku dhisan ayaa hoos u dhigtay ka shaqeynta danta guud iyo xalinta cabadaha bulsho. Waxaana sidaa darteed yaraaday kaalinta ay ganacsiyadu ku leeyihiin in ay ka shaqeeyaan fikrado iyo hawlo xal u keeni kara mushkiladaha bulshada dhinacyada badan ka heysta.
Balse taas beddelkeed waxaa baryihii dambe jiray kacdoon ku aadan in la abuuro ganacsiyo iyaga oo faa’iido doon haddana xaliya dhibaatada haysata bulshadooda. Kacdoonkaas wuxuu dalal
badan ka caawiyey in kaalintii dawladda ee ka shaqeynta danta guud lagu lamaaniyo kaalinta ganacsata si loo wada gaaro hadafkaas. Wadamada uu kacdoonkaas ka hanaqaaday waayihii dambe waxaa ka mid ah dalkeenna oo ay soo bateen shirkadaha sida gaarka ah mas’uuliyada isaga saaraya in dhibaatooyinka bulshada la xaliyo.
Haddaba barnaamijkaan gaarka oo aan ku eegeyno Ganacsiyada Yaryar ee Soomaaliya iyo Kaalintooda Hal-abuur ee Xalinta Caqabadaha Bulsho ayaan qodobadaas ku faaqidi doonaa.
Barnaamijkan waxaa taabogeliyey barnaamijka The Next Economy oo ah mashruuc ka shaqeeya shaqo-abuurka iyo taageerida ganacsiyada yaryar ee dalalka Mali, Nigeria iyo Soomaaliya.
Waxaana barnaamijkan Soomaaliya ka hirgelinaya Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD.
Barnmaajikaan arrintaas lagu laga gurayo waxaa ka soo qeybgalaya martida kala ah;
- Mohamed Okash oo ah Madaxa Hal-abuurka Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD,
- Caa’sha Xasan oo ah aas-aasaha iyo maamulaha Shirkada DOOGDOON, iyo
- Cabdiraxmaan Cilmi Afrax oo ah aas-aasaha iyo maamulaha Shirkada Saliida Qumbaha
Shalaambood.
Hoos ka dhagayso Barnaamijka oo dhammeystiran