Ganacsade lagu dilay Magalada Boosaaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay wiil Dhalinyaro ah kana mid ahaa dadka Magalada Boosaaso.

Wiilka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay Shaafici ayaa ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee Magalada Boosaaso,iyada oo raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Rasaas ay ku fureen ragga hubeysnaa ayaa dhaawac culus kasoo gaartay Wiilka dhalinyarada ahaa,hayeeshee uu ugu geeriyooday Isbitaalka weyn ee Magalada Boosaaso.

Macada sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,hayeeshee Magalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa waxaa Bilihii la soo dhaafay dil loogu geysanayay Ganacsatada iyo dadka u Shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor