Dhageyso:-Siyaasi Cali Daacuun” Muqtaar Roobow Dowladda iyadaa cafisay waana sharcidarro inay ka reebto doorashada”

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen in dowladda Soomaaliya ay culeys ku saareyso Muqtaar roobow in uu isaga haro tartanka doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa jira in arrintaas dowladda Federaalka lagu dhaliilayo.

Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhamaantood waxa ay sheegeen in Muqtaar roobow sabab looga reebo doorashada aysan xiligaan jirin,isla markaana u xaq u leeyahay in uu u tartamo doorashada.

Siyaasiga Cali Daacuun ayaa sheegay in Muqtaar Roobow ay dowladda Federaalka soo dhaweysay,cafisay,isla markaana la siiyay Baasaboor Caalami ah sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ku qaldan tahay inay ku cadaadiso inuu ka haro doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markaana uu xaq u leeyahay u tartamida xilkaas.

Dhageyso Codka Siyaasi Cali Daacuun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor