Galmudug oo Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad ka mamnuucday Khaadka

Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ayaa Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-01-2023, waxaa ay ka mamnuucday deegaannada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah AL-Sahabab in la geeyo Qaad/Jaad, sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howlgallada socdo.

Waxa ay wasaaradda u digtay ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Wasaaraddu waxa ay ogeysiisay dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga ay fartay laammaha ammaanka Galmudug in ay ka howlgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor