Rwanda oo toogatay diyaarad laga leeyahay DR Congo iyo xiisad ka dhex bilaabaday labada dal

Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay ‘qaadday tallaabo ay isku difaaceyso’ oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ‘oo kusoo xadgudubtay hawadeeda’ Talaadadii.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul mareysay inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda.

Sawirro kale ayaa muujinayay diyaaradda oo burburtay-taasoo nooceedu ahaa Sukhoi-25 laguna soo sameeyay Soofiyeet xilli biyo lagu daminayay dab ka kacay diyaaradda garoonka diyaaradaha ee Goma.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee DR Congo ayaa lagu cambaareeyay dhacdada.

Waxayna beeniyeen in diyaaradda ay dul mareysay hawada Rwanda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor