Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay tiro dad qaxooti ah oo soo gaaray degaanadooda kuwaas sida la sheegay u dhashay dalka Suuriya, waxana la sheegay in ay kasoo carareen qaxooxtigaasi dagaalada ka socda dalkaasi oo in muddo ah socda.
Wasiirka warfaafinta Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in qaxootigaasi ay kasoo galeen dhanka maamulka Galmudug, isagoo sheegay in ay soo mareen Magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay uga soo gudbeen dhanka Maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in ay kusoo dhaweeyeen Maagalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Maamulkaaasi, tirada dadkaan qoxootiga ah ee soo gaaray Galmudug ayaa ah 14-qof oo Siiriyaan ah, waxaana wasiir Falagle uu sheegay in ay jiraan qoysas kale oo ku haray Puntland.
Maamulka Galmudug ayuu sheegay in ay horay u hayeen qaxooti farabadan oo kasoo jeeda waddamada Itoobiya, Ereteria iyo Yeman kuwaas oo sida uu sheegay ay caawiyaann haatanna ay si caadi ah ugu nool yihiin deegaanadooda.
Waxaa la sheegay in dib u dejin loo sameeyay qaxootiga iyadoo gooba ay dagaan looga dhisay Dhuusamreeb sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Galmudug, waxaana intaas uu ku daray in ay caawin doonaan qoysaskaas kasoo barakacay dhibaatooyinka ka taagan dalkooda.
Dalka Siiriya ayaa ah dal ay dagaallo ragaadiyeen, waxaana uu ka mid yahay waddamada uu sida weyn u saameeyay kacdoonkii loogu magacdaray Gu’ga Carabta oo dalal badan oo carbeed ka billawday, walina ma jirto wax aan bur-bur iyo barakac ka ahayn oo ay Suuriya ka dhaxashay kacdoonkaas.