Galmudug oo Guddi baaris u magacaabeysa Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Dil kooxo hubeysan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu geysteen Sheekh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), kadib markii ay afduubteen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray qoyska uu ka baxay Marxuum Sheekh Cali Axmed, waxaana Wasaaradda amniga sheegtay in Sheekha uu ahaa samafale.

Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa falka dilka loo geystay Sheekha ku tilmaamtay inuu ahaa gabaoodfal iyo xadgudub, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan falkaas dhacay.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xustay in dilka loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax ay u magacaabeyso Guddi baariraano ku sameeya, isla markaana ka codsatay Ehelada Marxuumka inay is dejiyaan oo Guddiga warbixin ka sugaan.

Ugu danabyn, Wasaaradda ayaa waxaa ay ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed xogta baarista lala wadaagi doono hey’adaha sharciga iyo ehelada, iyada oo  ciddii lagu helo in ay ka danbaysay falkaas ama qeyb ka ahayd la horkeeni doono sharciga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor