Farmaajo oo weli kulamo ka wada Magaalada Kambaala

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda ayaa ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalka, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Sidookale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Uganda Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo sida Dowladda ay uga go’an tahay baahinta adeegyada waxbarashada, waxa ayna soo bandhigeen in ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor