Gabdho ku geeriyooday Ceel-biyood ay ku dhaceen

Wararka aan ka heleyno Gobolka Guardafu gaar ahaan Degmada Caluula ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ku dhinteen laba Gabdhood, kadib markii ay ku dhaceen Ceel-biyood.

Dad ku sugan Degmada Caluula ayaa waxaa ay sheegeen in labada Gabdhood ay ku dhaceen Ceel-biyo laga cabo oo ku yaalla halkaas, iyadoona la raadinayay saacado dhowr ah, hayeeshee markii dambe Ceelka laga helay Meydadkooda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Gabdhaha dhintay ay waalidkood u direen xoolo ka maqnaa, hayeeshee waalidka markii dambe lagu soo wargeliyay IN Gabdhahooda Ceel ay ku dhaceen, isla markaana ay dhinteen.

Maanta ayaa labada Gabdhood lagu aasay Degmada Caluula Gobolka Guardafu ee Maamulka Puntland, waxaana da’dooda lagu qiyaasay inta u dhexeeysa 10 ilaa 12-sanno jir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media