Ila Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Radio Dalsan in Xilkii laga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Generaal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab waxana loo Magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaliya ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu xil ka qaadis ku sameeyay General Muungaab.
Weli si rasmi ah looma ogga sababta ka dambeysa xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho.