Saakayto waxay Reer Muqdisho ku soo tooseen iyadoo aysan jirin wax Gaadiid Dadweyne oo ka dhex shaqeynayo Waddooyinka magaalladda Muqdisho.
Boqolaal qof oo isugu jiray Xoogsato, Arday, Ganacsato iyo dadweyne caadi ah ayaa tubnaa hareeraha Waddooyinka, halka kuwo kalena ay cagta maalayeen si ay u gaaraan goobaha ay ku sii jeedeen.
Waddooyinka Halbowlaha u ah Muqdisho ee horey gaadiidka isku ciriirin jireen ayaa maanta haawanaya, waxaana naadir ah in la helo Basaska Dadweynaha oo shaqeynaya.
Weriyayaasha Radio Dalsan oo qaarkooda saakayto ka soo lugeeyey Xaafado fogfog ayaa soo sheegay inay Dareewalladda Gaadiidka Dadweynaha ka cabanayaan Lacago dhinaca Caymiska oo ay Shirkadda Takaaful ku soo rogtay.
Qaar ka mid ah Dareewalladda oo la hadlay Dalsan Radio ayaa sheegay inay ka dibad-baxayaan Lacagaha lagu soo rogay Gaadiidleyda, taasi oo ay sheegeen inaysan awood u lahayn inay bixiyaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dibadbaxa cabashadda ee Dareewaladda ayaa curyaamiyey Isku-socodka maanta ee Gaadiidka ka dhex shaqeeya gudaha magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Hay’addaha Dowladda iyo Shirkadda Takaaful ee laga cabanayo ayaan weli ka hadlin Cabashadda iyo Shaqo-joojinta ay Dareewalladda Gaadiidka Dadweynaha ku kaceen.
©Radio Dalsan