Mudo ku dhow todobaad ayay Gaadiid kuwa Xamuulka qaado ah ay ku xayirnaayeen Koontoroolka ku yalla Magalada Garoowe balse Maanta la shaaciyay in la fasaxay.
Darawaalada Gaadiidkaas ayaa waxa ay sheegeen in ay u xayirnaayeen sababo la xiriira in lagu soo kordhiyay lacago farabadan oo aysan awoodin inay bixiyaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in Gaadiidkaas la fasaxay,iyada oo aan laga qaadin wax lacag ah.
Darawalada Gaadiidkaas oo ku dhow labaatameeyo ayaa waxa ay horay u sheegeen ina aysan awoodin inay bixiyaan lacagtaas taas oo keentay in mudo ka badan todobaad ay koontoroolka Garoowe ku xayirnaadaan.