Farmaajo, Xasan Sheekh, Shariif Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo u muuqda inay ka gudbeen Wareegga 1-aad ee Doorashadda.

Waxaa la soo gebagebeeyey Wareegii Koowaad ee Doorashadda Madaxweynaha oo haatan ka socota Xeradda Afisiyoone ee magaalladdan Muqdisho.

21- Murashax Madaxweyne ayaana ku loolamaya Tartankaasi oo u muuqda mid aad uga culus Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii.

Guddigu waxay weli ku jiraan Tirinta Codadka ee Wareegga 1-aad, waxayna u muuqataa inay Wareegga 2-aad u gudbi doonaan Murashixiin ay ka mid yihiin Maxamed C/llaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Wareegga 2-aad waxaa u soo gudbi doonaa Afarta Murashax ee ugu dhiubco badan, haddii aan la helin Murashax helay 219-Cod.

La Soco Natiijadda oo dhamaystiran marka ay Guddiga ku dhawaaqaan Insha Allaah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media