• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, May 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Farmaajo oo joojiyey Go’aammada Isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha DFS

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 4, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
Farmaajo oo joojiyey Go’aammada Isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha DFS
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa joojiyay dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha dowladda Federaalka, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

Digreeto uu soo saaray Farmaajo ayaa waxaa lagu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad.

Maxamed Farmaajo ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka.

Hoos ka Akhriso Digreetada uu soo saaray Farmaajo

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka;

Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saaray 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021;

Madaxweynaha oo ka duulaya cabashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbeddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro;

Waxa uu soo saaray Xeerkan;

1-Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

2-Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.

3-Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka iyo xil ka qaadis kasta oo la sameeyay wixii ka dambeeyay taariikhda aan kor ku xusan.

4-Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.

5-Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

Previous Post

Ma dhabbaa in Madaxweynaha Tanzania ku daaratay COVID MW ku-xigeenka Mareykanka?

Next Post

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo War kulul kasoo saaray weerarkii Ceelbaraf

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
Bilan Media

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

May 20, 2025
RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
Next Post
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo War kulul kasoo saaray weerarkii Ceelbaraf

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo War kulul kasoo saaray weerarkii Ceelbaraf

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants

by Liban
May 21, 2025
0

WASHINGTON / MOGADISHU — The White House has released rare military footage on its official social media platforms, showing a...

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

by Ilhaan
May 21, 2025
0

Muqdisho – Kulan doodwadaag muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo caqabadaha horyaalla suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka...

UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis

UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis

by Liban
May 21, 2025
0

London, United Kingdom – After more than 18 months of relentless conflict in Gaza, the United Kingdom’s patience with Israel...

Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

by Liban
May 21, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – A pivotal roundtable discussion focusing on the state of press freedom in Somalia was held at the...

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants
English News

White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis
English News

UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action
English News

Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in the Annual Meeting of the Islamic Development Bank Held in Algeria
English News

Somalia Participates in the Annual Meeting of the Islamic Development Bank Held in Algeria

May 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • White House Releases Footage of U.S. Airstrike in Somalia, Targeting ISIS Militants
  • Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
  • UK Prime Minister Issues Strong Warning to Israel Over Gaza Crisis
  • Somali Press Freedom Under Siege: Mogadishu Dialogue Demands Action

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00