Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku baaqay in la joojiyo arrimaha siyaasadeynta Ciidamada dowladda Federaalka iyo kala qeybinta shacabka Caasimadda.
Farmaajo ayaa siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo horjeeda ku eedeeyay inay Muqdisho ka abaabulayan xalisooni darro laguna howlan yahay siyaasadeynta Ciidamada, isla markaana sheegay in maalmihii lasoo dhaafay loo kala qeybsamay badbaadiyeyaal iyo barakiceyaal.
Waxaa uu ku baaqay Madaxweynaha in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, waxaana uu tilmaamay in marnaba aysan dhici doonin in shacabka loo horseedo burbur iyo barakac hor leh.
Farmaajo aya faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.
Hadalkaan Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda, isla markaana ay dhaceen dagaalo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.