Musharax Faadumo Dayib oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Doorashadda Madaxtinimadda ee Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi Khaas oo ay siisay Telefishinka Alarabia ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
“Keligii Taliyihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre waxa uu Ururka Jaamacadda Carabta ugu biiray Ajendo Siyaasadeed” ayey Tiri Faadumo Dayib oo ah Somali haysata dhalashadda “Finnish”ka ee dalka Finland ayaa ku nuuxnuuxsatay inay Somalia xiriir Dhaqaale iyo mid Siyaaso la leedahay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.
Waxay intaasi ku dartay inay Somalia tahay dalka keliya ee aan Carabta ahayn ee xubinta ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Musharax Faadumo Dayib oo u muuqata inay Galti Macruuf ka tahay Taariikhda Soo-jireenka ee Xiriirka Walaaltinimo iyo midka Dhaqan ee u dhexeeya dadka Soomaalida iyo Carabta waxay ku canaanatay Dowladaha Carabta inaysan wax kaalmo Dhaqaale ah soo gaarsiinin Ummadda Soomaalida muddadii ay ka socdeen Dagaalladda.
Somalia ayaa Ururka Jaamacadda Carabta ku biirtay bishii Feberaayo 14-dii ee sannadkii 1974-kii.
Sidoo kale, Somalia waxay xubin Firfircoon ka tahay 22-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta oo la asaasay sannadkii 1945-kii.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Waresiga Faadumo Dayib.
©Radio Dalsan