• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO):Maamul-gobaleedyadda oo ka dhega-fureysta Go’aanadda ka soo baxa Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 10, 2016
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Qabsoomida Doorashadda Dadban ee sannadkan waxaa muruq-siyaasadeed dheeri ah ku yeeshay Madaxda Maamul-gobaleedyadda oo iyaguna qeyb ka noqday Isbaaradda dadban ee lagu carqaladaynayo Nidaamka Doorashadda.

Iyadoo la og yahay inay Dowladda Federalka noqotay mid Fadhiid oo waxtar badan lahayn, haddana waa hubaal in caqabadaha Maamul-gobaleedyadda isbaaro-siyaasadeed horey ugu dhigteen Dowladda Federalka ee uu xilligeeda dhamaada.

Waxaana markhaati laga yahay inay jiraan Maamul-gobaleedyo caadi ka dhigtay inay Tallaabo kasta oo la qaado jalaafeeyaan, waxayna haatan xaalladu maraysaa hal-qabsigii ahaa Ka-dorro dibi dhal oo kale.

Awooda aan Dastuuriga ahayn ee ay qaar ka mid ah Madaxda Maamul-gobaleedyadda la soo baxeen ee ay horey kaga guuleysteen Dowladda Federalka ayaa waxay haatan mar kale bilaabeen inay cudud-muujin u adeegsadaan Nidaamka Doorashadda, waxayna carqaladeyn la kowsadeen Saami-qeybsigii Beelaha ka heleen Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda iyo Nidaamka Cod-bixinta Doorashadda.

Waa Halbeeg Siyaasadeed ay Maamul-gobaleedyadda doonayaan inay miisaan culus ku yeeshaan Tallaabo kasta oo la qaadayo, waxaana laga wada dheregsan yahay halka ay Maamul-gobaleedyadda dhigeen Awooddii Madasha Wada-tashiga Qaranka, Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban iyo Baaqyadda Beesha Caalamka ka soo saaraan Arrimaha Somalia iyo Nidaamka Cod-bixinta Doorashadda Dadban.

Xaalladda ayaa haatan meel cakiran taagan, waxaana soo badanaya Cabashadda laga keenayo Awood-sheegashadda Maamul-gobaleedyadda, iyadoo Madaxweynihii Heerka Gobalka door-bidayo inuu ka amar sarreeya Madaxda Qaranka iyo Hay’addaha loo xil-saaray Doorashadda.

Tusaale ahaan, Maamulka HirShabelle waxay gaashaanka ku dhufteen War-saxaafadeed uu Gudoomiyaha Guddiga Federalka ee Doorashadda, Avvocate Omar Mohamed Abddulle uu bishan December 8-dii ka soo saaray Laba Musharax oo colaad hubeysan ka dhex sameeyey Hoolkii Doorashadda ee magaalladda Jowhar.

War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee XFS, Maxamed C/lLahi Nuux iyo Musharax Axmed Sheekh Nuur “Cirro” laga mamnuucay inay dib u tartamaan, kadib, markii lagu helay inay ku lug lahaayeen shaqaadadii bishii November 18-dii ka dhacday Jowhar, kuna dhaawacmeen 6 qof oo rayid ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Musharax Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), ahna Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka ku lug lahaa fowdo ka dhacday Hoolka Doorashadda ee Jowhar, iyadoo Musharaxa kale ee la tartamayey, Axmed Sheekh Nuur (Cirro) lagu eedeeyey inay Taageerayaashiisa bilaabeen rasaasta ka dhacday bannaanka Xarunta Doorashadda ee Jowhar.

Labadaasi Musharax ayaa la go’aamiyey inaysan isku soo sharxi Karin Kursiga Beesha Jiidle, waxayna Guddiga Doorashadda ka codsadeen Ugaaska Beeshaasi inuu soo xulo Ergo cusub oo doorata Musharaxiinta ku tartamayso Halka Kursi ee ay Beeshaasi ku leedahay Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Go’aanka Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban ka soo baxay Arbacadii la soo dhaafay (December 8)-dii ayaa waxa uu maanta noqday Go’aan ma-dhalays ah, kadib, markii ay Madaxda Maamul-gobaleedka HirShabelle iyo Guddiga Doorashadda ee Heerka Gobal qabteen Doorasho uu Wasiir Nuux ku soo baxay.

Dhacdadan La-yaabka Doorashadda qeyb ka ah ayaa muujinaysa inay Maamul-gobaleedyadda dhegaha ka fureystaan Baaqyadda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda Dadban ee Federalka oo haatan u taagan Hay’adda Guud ee Doorashadda Qaranka.

Inkastoo Doorashadda uu Wasiir Nuux ku soo baxay tahay mid rimay-gacmeed oo kale ayaa waxa la isweydiin karaa Maxaa laga dhaxli doonaa Doorashadda maanta sida degdegga loogu kala baxay.

Madaxda Maamulka HirShabelle oo iyagu ah Madax ku cusub Masraxa Siyaasadda waxaa suurtogal ah in la hoos geliyey Doorashadda, iyagoo laga faa’ideystay Waayo-aragnimo La’aantooda Maamulka iyo Kala-dambaynta Haykalka Dowladeed.

Waana Xaallad Dhaban-hays ku abuuri karta Nidaamka doorashadda ee horey loo sheegay inuu harreeyey musuq, faragelin, Maamul-xumo iyo Tacadiyo loo geystay Musharixiinta, Ergooyinka, lana boobay Kurraas loo qoondeyeey Haweenka.

Guddiyada Madaxa-Bannaan ee Doorashadda iyo Xalinta Khilaafyadda ee Doorashadda ayaa laga filayaa inay gho’aan cad ka qaataan Kursi kasta oo si qallafsan loo maamulayo, iyadoo Go’aanada Guddiyadaasina yihiin kuwa ugu dambeeya ee lagu qanci karo.

Guddiyadaasi iyo Ergooyinka Beesha Caalamka ayaa had iyo jeer ka diga Musuqa lagu furdaamiyo Cod-bixinta Doorashadda, iyadoo Doorashaddan lagu tilmaamo midda ugu musuqa badan Doorashooyinkii soo maray dalkeena.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaaf kasta iyo xadgudub kasta oo lagu marin habaabiyo Cod-bixinta Doorashadda waxay sii seeta dheereyn kartaa Jadwalka Doorashadda Madaxtinimadda iyo tan Guddoomiyaha Barlamaanka ee ay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka dhawaan iclaamiyeen.

©Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Gal-mudug oo maanta is casilay.

Next Post

EX Foreign minister  Fowzia Haji in trouble over phone recording of elder demanding  bribe

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Next Post

EX Foreign minister  Fowzia Haji in trouble over phone recording of elder demanding  bribe

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada...

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu...

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane...

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
  • Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
  • Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
  • Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00