Daraasaad: Inta badan dadku waxay jecel yihiin kelinimo.

Daraasaad cusub ayaa muujinaysa inta badan dadku inay jecel yihiin inay kelinimo ku qaataan Waqtigooda, halkii ay ka xiiseyn lahaayeen inay dad badan ku hareeraysan yihiin.

Haddii aad jeceshay inaad keligaa raxaaysato ama nasato, ogow inaadan keligaa raaxaysanaynin.

Daraasaadda cusub ayaa heshay in 85%  dadku u maleeyaan inay muhiim tahay in kelinimo lagu waqti qaato.

Laakiin,  55% dadka wax laga weydiiyey Cilmi-baarista ayaa rumeysan in waqtiga kelinimadda maad muhiim u tahay.

Cilmi-baarista oo laga sameeyey dalka Maraykanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay dadka Maraykanka u dareemaan Ammaanka iyo waqti ku-kelenimadda.

Sannadkii 2011-kii, Cilmi baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka waqtiga badan ku bixiya kelinimadda inay ka hami fiican yihiin kuwo kale ee had iyo jeer jecel inay dad ku xeernaadaan.

Cilmi-baarista waxaa kaloo lagu xusay in dadka kelinimadda u nasta inay maskax ahaan ka xusuus badan yihiin kuwa kale.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqan ahaan dadkeenna Somalia waxay aad u jecel yihiin inay si guud hal meel ugu wada nastaan, inkastoo xilliga lagu jiro nasashadda lala kulmo dad aad u hadal badan amaba qoddobo aan loo baahnayn ku fura doodeeda xilliga la nasanayo.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor