FAALLO:- Maxay siyaasad ahaan nuxur leedahay booqashadda uu John Kerry ku yimid Bariga Afrika ?

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa maalmahan booqasho ku marayey dhowr Waddan oo ku yaalla Geeska Afrika, waxayna booqashadiisu noqotay mid saamayn ku yeelatay xaalladaha ka taagan Mandiqadda.

Safarkii uu ku tegay dalka Kenya ayaana lagu tilmaami karaa mid lagu dhayay khilaafyo Diplomaasiyadeed oo Maraykanka iyo Kenya u dhexeeyey 20-kii sanno ee la soo dhaafay, waxayna Dowladda Maraykanka had iyo jeer si kulul u naqdisaa heerka Xuquuqda Aadanaha iyo musuqa hareeyey Hay’addaha Dowladda Kenya.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inuu John Kerry farriimo cad u gudbiyey Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku saabsan dhinacyadda Ammaanka, Xuquuqda Aadanaha iyo Qaxootiga ku sugan Xerooyinka dalkaasi.

Booqashadiisa waxay durbadiiba dhalisay inay Dowladda Kenya wax ka bedesho go’aankii ay ku doonayeen inay Qaxootiga Soomaalida dib ugu soo celiyaan gudaha dalkooda hooyo, iyadoo ay Beesha Caalamka horey u saluugeen go’aankaasi xad-gudubka ahaa.

Dowladda Kenya ayaa lagu tuhunsan yahay inay gorgortan dhaqaale ku doonaysay Qaddiyadda Qaxootiga Somalia, waxaana taasi laga dheehan karaa isbedelka ku yimid, markii uu John Kerry ku dhawaaqay in 45 million oo Dollar la siinayo Dowladda Kenya, si ay u maareeyaan Hawlaha Qaxootiga ku nool Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Caalamka.

Xeeldheeraayaasha ayaa rumeysan in safarka John Kerry ee Kenya ahaa mid loogu gogol xaarayo Safarka uu Madaxweyne Barack Obama uu bartamaha bisha July ku tegi doono dalka Kenya.

Inta uu John Kerry ku sugnaa dalka Kenya waxa uu ka hadlay Xaalladda Ammaanka, Qaxootiga iyo Istaraatijiyadda cusub ee lagula dagaalamayo Alshabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladda Maraykanka ka go’an tahay sidii ay dowladda Kenya u  wadaagi lahaayeen wararka Sirdoonka iyo dhaqdhaqaaqa ay Alshabaab ka wadaagaan xuduudka Somalia iyo Kenya.

Booqashadda kale ee aan la shaacinin ee uu John Kerry ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa iyadana xambaarsan Farriin kale, waxayna Dowladda Maraykanka si waadix ah ugu sheegtay Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Goballadda sida loogu baahan yahay dardar-gelinta Hiigsiga Nabadda ee 2016, dhamaystirka Dastuurka iyo Taabagelinta Dimuqraadiyadda.

Dowladda Maraykanka oo ka mid ah Dowladaha kaalmadda ugu badan ku tagaeera  Dowladda Federalka ayaa saluugsan qaabka gaabiska ee Hawlaha Dowladda Federalka, gaar ahaan sugidda ammaanka, La-dagaalanka musuqa iyo dagaalka Alshabaab.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in safarka John Kerry xambaarsan yahay Farriin Diploomasiyadda oo ku aadan in ay Dowladda Maraykanka si aad ah ula xisaabtamayso Dowladaha Mandiqadda, oo iyaga lagu cambaareeyo inay geystaan Tacadiyo Xuquuqda Aadanaha, Xorriyatul-qowlka iyo Maamul-xumidda Kaalmooyinka laga helo Maraykanka.

Tan kale, Safarka John Kerry ayaa waxa uu qiimeyn guud ku samaynayaa Hawlgalka AMISOM, oo beryahan u muuqda mid gaabis noqdo, iyadoo ay Ciiddamadda AMISOM iska dhex yururaan Xerooyinkooda.

Markaynu isku soo duubo, Safarka John Kerry uu ku marayo qaar ka mid ah  dalalka ku yaalla Mandiqadda Bariga Afrika, waxaa la dhihi karaa inay xog-ururin u noqonayso Istaraatijiyadda cusub ee Dowladda Maraykanka ku wajahayaan Xaalladaha cakiran ee ka aloosan Mnadiqadda, gaar ahaan dalalka Somalia iyo Kenya.

W/Q:Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,

Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor