• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Maxaa asaas u noqon kara Nidaamka lagu xulanayo Murashixiinta Madaxtinimadda ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 24, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hadal-haynta ugu badan ee bilooyinkii la soo dhaafay ayaa ahayd Akhbaaraadka ku xiriirsan Doorashooyinka Dadban ee Somalia iyo dib-dhaca Hiigsigii sannadka 2016-ka oo Riyo Khiyaal ah noqotay.

Madaxdeenna weli Biseyl Siyaasadeed kama muuqdo, waxayna Doorashadda u arkaan Aalad lagu tafi karo Mansabka ugu sarreeya Hoggaanka dalka iyo Xilalka kale ee tayeysan.

Meerto-siyaasadeedka noocaasi ayaana lagu soo nolol-qaatay tan iyo Waayihii Dagaal-ogayaashii hore, waana hab uu Mas’uul kasta rumeysan yahay inuu kaga dhex muuqan karo Masraxa Siyaasadda ee dalka.

Musharaxnimadda ayaa iyadana loo arkaa Hoobaan iyo Durdur laga macaashi karo, marka laga gudbo Loolanka  shidada badan, wuxuuna Musharaxa oo ku hungooba u arki karaa inuu  kharaj ku bixiyey tacab khasaaray.

Waa Hubaal inuusan dalkeenna ka  jirin Xeer xeerinayo, isla markaana xakamaynayo Musharixiinta xilka Madaxtinimadda u arka Fursad mar-la-arag oo ay  kaga macaashi karaan Xilka iyo Awoodda Hoggaaminta Qaran ee loo idmanayo.

Waana doqonimo iyo Xilkas-darro inay Siyaasiyiinta Soomaalida badankooda muhiimadda siiyaan inay muddada ay Talada hayaan ku dhaqmaan Musuq, Caddaalad-darro, Nin-tooxsi, Ku-takrifal iyo in isku milmaan Hantida Shaqsigaas iyo Hantida Qaranka.

Waana hubaal inaysan jirin Maxkamad ama Qoddobo Dastuuri ah oo amar buuxa ku bixinaya in Murashax kasta min Madaxweyne ilaa Xilalka kale la diiwaan-geliyo Hantidiisa Khaaska, gaar ahaan Maaliyadda iyo Hantida Ma-guurtadda, si loo ogaado Heerka Hantida uu haystay ka hor inta aan Xil loo idmanin.

Mana jirto Ifafaalo muujinaysa inay jiraan Murashixiin oggola in Heerka Diiwaan-gelinta la marsiiyo ama ay Muwaadiniinta Soomaalida la wadaagaan Hantida ay haystaan ka hor intaan Xil Dowladeed loo dhiibin.

Murashixiinta Madaxtinimadda ee xilligan ayaana calow badan ka dhex jiraa, mana jirto Murashax hal-ku-dhegiisa Ololaha Doorashadda ku muujiyey inta ay la eg tahay Hantidiisa (Maaliyad, Gaadiid, Hay’addo, Wershado, Shirkado iyo wax kasta oo Hanti Ma-guurto ah).

Waana Nidaam lagu heli karo Murashax la og yahay Hantidiisa, isla markaana lagula xisaabtami karo marka uu Xilka ka degayo qaabka uu ku tacbay Hantida ku soo korodhay Hantida loo diiwaan geliyey.

Waa Tijaabo Siyaasadeed lagu heli karo Murashax ka hufan Musuqa iyo Boobka Hantida Qaran oo ay in badan oo ka mid ah Murashixiinta Madaxtinimadda lagu xanto inay kaydsadeen Booli-qaran.

Qoddobka kale ee Murashixiinta lagu xulan karo ayaa la dhihi karaa waa Heerka Daacadnimadiisa iyo Ilaalinta Ammaanadda Qaranka, waana naadir in la helo Murashax sifahaasi yeelan kara.

Ballanqaadka Siyaasadeed ee Ololaha Doorashadda ayaana lagu tilmaami karaa Nidaam lagu doonayo in Codad badan looga helo Xildhibaanadda, waxaana la og yahay in Murashax kasta uu meesha kaga tago Ballanqaadiisa, marka loo cimaamado Xilka Madaxtinimadda.

Inkastoo aysan Dadweynuhu lahayn Xulashada Murashaxa u qalma Madaxweynaha Qaranka, haddana waxay rumeysan yihiin in Xildhibaanadda wax dooranayo ku xirnaan doonto Murashaxa ay u arkaan inuu u qalmo Madaxweynaha 10-aad ee Somalia.

Hadadaba, waxaa isweydiin mudan: Maxaa asaas u noqon kara Nidaamka xulashadda ee Murashixiinta Madaxtinimadda, ma in lagu taageero Beelnimo, Isbahaysi, Cod Lacagaysan ama docda kale ee wanaagsan sida Waddanimo, Aaminaad, Hawlkar iyo U Adeegidda Danaha Dadka, Dalka iyo Diinta?

Waana Hal-xiraale Siyaasadeed oo mudan in loo helo jawaabo waafi ah, si aan loogu khatalmin Madaxweyne ujeedo dano badan ah.

©Radio Dalsan

Previous Post

Muwaadiniinta Maraykanka oo looga digay inay socdaal ku tagaan dalalka Urdun iyo Masar.

Next Post

Baarlamaanka Hirshabeele oo Mudo kordhin u sameeyay xiliga uu Madaxweynaha Maamulkaas kusoo magacaabayo Golahiisa Wasiirada

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00