FAALLO:- Fedaralka Somalia farri kama qodna !!!

Nidaamka Federalka ma aha Maamul ay Soomaalida ku soo nolol qaateen, balse waxa Federalka loo door biday si xal loogu helo Kalsooni-darrida ka jirta dadka Soomaaliyeed ee laga dhaxlay Dagaalladdii sokeeye ee jilbaha u dhigay Nidaamkii Dowladnimo ee Somalia.

Markaynu xooraansao Nidaamka Federalka waxaynu dareemi karnaa inay Nidaamkaasi ku dhaqmaan Dadyowga Kala Dhaqanka, Diinta, Luqadda iyo Jinsiga ee ku wada nool hal Waddan oo keliya.

Waxayna Dadyowgaasi u qaateen Nidaamkaasi si aysan u kala qobqobmin, u dagaalamin ama u kala didin, waana Nidaam dallad guud u noqonaya inay dadyowgaasi ku wada  hiirtaan dan mideysan iyo dal mideysan.

Waddankeenna Somalia oo ay ku nool yihiin Ummad uu Ilaahay doc kasta ka mideeyey ayaa waxay haatan noqdeen Ummad kala irdhowday, oo ay dagaallo sokeeye iyo kuwo siyaasadeed ay ku soo nolol qaateen tan iyo markii ay Jabhadaha hubeysan ee Xukun-doonka wada ahaa ay jilbaha u dhigeen Dowladdii Kacaanka  bilowgii sannadkii 1991-kii.

Tan iyo xilligaasi waxay Soomaalidu noqdeen Ummad uu ku dhacay barakac iyo dalanbaabi, iyagoo u kala cararay afarto jiho iyo halka ay u arkeen inay kaga badbaadi karaan colaadihii lagu riiqmay ee ka dhacay dalkeenna.

Kumanaan Muwaadiniin ah ayaa dhibaatooyin kala kulmay Barakicii Ummadeed, waxaana jirta inay Malaayiin kale haatan qaxooti ku yihiin Waddamo kale, halka kuwo kalena ay Lama-degaanadda iyo Baddaha ku hafteen.

Dib-u-yegleelidii Qaranka Somalia ayaa waxaa loo arkay in loo baahan yahay in Soomaalida kala diday la isku keeno, waxayna Beesha Caalamka abaabuleen Shirar badan oo looga hadlay sidii xal siyaasadeed loogu furdaamin lahaa dhibaatooyinka jiray iyo dagaalladda burburka u geystay dalkeenna.

Dowladaha ugu tunka weyn Caalamka waxay is-tusaaleeyeen in Xalka Somalia lagu xaliyo Nidaamka Federalka oo aysan Soomaalida u lahayn Isir-dhaqameed iyo mid Bulsho.

Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee ku soo shaac baxay xilliyaddii colaadaha, ayaa waxay ahaayeen kuwii caqabadda ku ahaa Mustaqbalka Somalia, waxayna taasi horseeday inay Siyaasiyiinta u codeeyaan in Nidaamka Federalka lagu soo dabaqo soo-celinta Haykalka Dowladnimo ee dalkeenna.

Axdi-qarameedka Qaranka ayaana lagu xusay in Nidaamka Federalka laga hirgeliyo dalka, iyadoo xilliga munaasabka ah Afti Dadweyne loo qaadayo Nidaamka Federalka.

Dhabihii Federalismka ayaa iminka la xaarxaaray, waxayna Dowladda Federalka u xusul-duubaysaa sidii loo dhidbi lahaa Maamul-gobaleedyo hoos yimaada Dowladda Dhexe.

Laakiinse, caqabado ballaran ayaa muuqda, waxaana mararka qaarkooda la dhihi karaa Maamul-gobaleedyadda la qotominayo waxay yihiin Maamul-beeleedyo soocan.

Gurxan xooggan ayaana laga keenay qaabka loo dhiso Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan qaabka Awood-qeybsiga oo u muuqda mid weli ku sii sidkan Nidaamka 4.5 ee Awood-qeybsiga Soomaalida, waxaana aad u cabanaya Beelaha laga tiradda badan yahay, kuwaasi oo ay Beelaha tunka weyn kaga sed bursadaan xubnaha loo xulay Mas’uuliyiinta Maamul-gobaleedyadda.

Xaajadda kuma eka Sed-bursigaasi, balse waxa uu muran kale ka taagan yahay wada-shaqeynta Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda dhismayo, oo iyagu isku arka inay Sharci ahaan la simman yihiin Awooddaha Dowladda Dhexe ee Qaranka.

Muran kale ayaa waxa uu ka dhalan karaa Sohdimaha Maamul-gobaleedyadda, waxaana Tusaale nagu filan murankii Maamulka Gobalka Banaadir iyo Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia ee ka dhashay sohdinta kala qeybinayso Labadaasi Gobal.

Sidoo kale, Saami-qeybsiga  Kheyraadka Dabiiciga iyo Canshuuraha ka soo xerooda Dekeddaha iyo Garoomadda Diyaaradaha ee Maamul-gobaleedyadda ayaa la dhihi karaa waa Caqabadda kale ee aan weli laga fekrin , iyadoo ay Dowladda Dhexe weli ka aradan tahay saamiga ay ku leedahay Kharajyadaasi.

Waa hubaal inuu Dowladda Federalka soo kulaalayo xilligii madashu ahayd Taabagelinta Hiigsiga cusub ee sannadka 2016-ka, waxaana aad u yar horumarka laga sameeyey Dib-u-eegista Dastuurka, Dhamaystirka Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, Ammaanka, Qancinta Maamulka Somaliland ee Gooni-goosadka ku dhawaaqay iyo qabsoomidda Doorashadda Madaxweyne iyo Barlamaan lagu soo dooranayo Nidaamka Hal qof iyo Hal Cod “One man and One Vote”,.

Si kastab ha ahaatee, lamana hayo Toobiyihii Maqaam Gaar ah loogu samayn lahaa magaalladda Muqdisho, waxaana  la dhihi karaa  Hirgelinta Federalka Somalia weli Farri Kama Qodna !!!

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor